Dagaalyahanno reer Kolombiya, duullimaadyo joogto ah oo xamuul sida agab halis ah, Raadaaro laga keenay Israiil oo la dhigay Boosaaso iyo Saldhigo laga taageero kooxda dhiigya cabka ah ee RSF ayaa muujinaya hawlgal weyn oo sir ah oo quudinaya xasuuqyada RSF ee El-Fasher.  Kaasi oo intiisa badan udub dhaxeed ay tahay Magaalada Boosaaso ee Gobolka Bari halkaasi oo Saciid Dani uu dhaafsiistay dano gaar ah.

Garoonka diyaaradaha ee Boosaaso ee Puntland waxaa mar kasta laga maqlaa dhawaaqa xooggan ee diyaarado waaweyn ee qaada agabka culus ee ciidamada. Dhowr daqiiqo kadib, diyaaradda waa la aqoonsan karaa iyadoo inta badan diyaaradaha halkaas yimaado ay yihiin IL-76, oo ah diyaarad xamuul culus qaadda, kana timid Imaaraadka. Dadweynaha deegaanka, dhawaaqa noocan ah laba sano ka hor waxa ay u arkaayeen wax aan caadi ahayn. Hadda se waa caadi. Isla markiiba waxaa la arkaa qalab culus oo aan la shaacin waxa uu yahay oo laga dejinayo diyaaradda.

“Duullimaadyadani waa joogto, xamuulkana si degdeg ah ayaa loogu raraa diyaarad kale oo diyaar u ah safar ay ku tagto aagga ay maamulaan xoogagga RSF ee Suudaan, iyadoo maraysa waddamada deriska ah,” ayuu yiri Cabdullaahi, taliyaha sare oo ka tirasan Ciidanka Badda ee Puntland (PMPF) ee Boosaaso, oo la hadlay Middle East Eye (MEE) isagoo magaca beddelay sababo amni dartood.

Sida laga soo xigtay xogta raadraaca duullimaadyada, sawirrada dayax-gacmeedka, ilo maxalli ah iyo diblomaasiyiin Maraykan iyo gobol ahba asalka diyaaradahaas waa mid cad waana dowladda ka macaashta dhiigga iyo dhibta dalalka soo koraayo haddii aan si kale u dhigo waa wakiilka Isra’iil bariga dhexe fadhiyo ee Imaaraadka Carabta.

Goobta loo socdana, waa cadahaya oo waa Suudaan iyo RSF, oo toddobaadkan qabsatay magaalada El-Fasher, caasimadda gobolka Waqooyi Daarfuur, kadib 500 maalmood oo go’doon ay ku haayeen. Dagaalyahannada RSF waxay sameeyeen xasuuqyo argagax leh, waxa ay laayeen wixii ay arkaayeen waxa ay gubiyeen guri kasta dadka intii qaxday iyo intii ay laysay gaajada ma ahee inta soo hortay waxa ay gacantooda ku baxeen RSF-ta uu taageero siiyo Imaaradka, xasuuqaasi uma baahno raadin iyo baaris dheeraad ah ee iyaga ayaa iska duubay kuna faafiyay baraha bulshada iyagoo waliba ku faanay, muuqaalada qaar waxa ay muujinayaa iyaga oo tooganayaan dad rayid ah iyo bukaanno isbitaallo yaal.

Bishii ugu dambeysay qaab joogto ah ayey diyaaradaha xamuulka u imanayeen Boosaaso. Diyaaradaha ma sii joogaan garoonka, waxayna yimaadaan saacadaha aanan shaqo badani jirin si ay howsho ugu socoto mid qarsoodi ah. Xogta diyaaradaha ee la heli karo waxay muujineysaa in Imaaraadku si isa soo taraysa u isticmaalayo Boosaaso, mararka qaarna la beddelo waqtiyada imaatinka.

“Marka la rariyo ama la dejiyo, si adag ayaa loo ilaaliyaa, waxayna wataan qalab dareen leh oo aan la shaacin,” ayuu yiri Cabdullaahi. Sidoo kale, xamuul ayaa kaga yimaada dekedda Boosaaso.

Imaaraadka ayaa sanado badan maalgelinayay ciidamada PMPF, kuwaas oo la sameeyay si ay ula dagaallamaan burcad-badeedda. Askartu waxay sheegeen in qalabka la keeno aanu iyaga u imaan, maadaama uu aad uga weyn yahay baahidooda. Xogo hore waxay muujisay in Imaaraadku si weyn u kordhiyay hubka uu keenayo Boosaaso waxaana sirdoonka Mareykanka sheegay in ay ku jiraan drones Shiinees ah, sidoo kale warbaahinta caalamka ayaa sheegtay in sidoo kale hub uu ingiirska leeyahay loo adeegsaday xasuuqii Al Feshir ka dhacay iyadoo ingiriiska uu cadeeyeeyay in hubkaas ay ka iibiyeen Imaaraadka.

Maareeye sare oo dekedda Boosaaso ah ayaa markii ugu horreysay u sheegay MEE in labadii sano ee la soo dhaafay Imaaraadku soo marsiiyay in ka badan 500,000 konteenar oo lagu calaamadeeyay “hazardous” ama halis.

Konteenaradan looma hayo dukumiinti muujinaya waxa ku jira ama halka loo wado. Waxaa si toos ah looga dajiyaa markabkooda, loona raro garoonka diyaaradaha halkaas oo diyaarado sugaya lagu raro loona qaado dalal sida Uganda ama Kenya ama Chad amaba xitaa Koonfurta Sudan taasoo si fududu lagu gaarsiiyo kooxda RSF.

Amniga xamuulkan waa mid aad u adag; marka markab yimaado, ciidamada PMPF ayaa xiraya dekedda, waxaana la mamnuucaa sawir-qaadista. Dadka shaqada ku jira oo keliya ayaa loo oggol yahay in ay joogaan.

Ilaha deegaanka ayaa sheegay in habka loo ilaaliyo ay caddeyn u tahay in alaabtu aanay gudaha loogu talagalin: “Haddii ay ahayd mid gudaha loo isticmaalo, waxaan arki lahayn meelaha la dhigay ama konteenarada oo maran,” ayuu yiri maareeyaha. “Laakiin ma aragno midna waa safar keliya oo dhex mar ah.”

Dhinaca koonfureed ee Boosaaso, garoonka diyaaradaha waxaa ku yaal saldhigyo milatari oo si adag loo ilaaliyo, mid ka mid ahna waxaa degan saraakiil Imaaraad ah iyo shaqaale amni oo la rumeysan yahay inay yihiin Koonfur-Afrikaan.

Dhinaca waqooyi ee garoonka waxaa ku yaal xerada dagaalyahannada Kolombiya, kuwaas oo lagu sheegay inay ka qeyb qaataan dagaalka Suudaan.

Sawirro gaar ah oo warbaahinta heshay ayaa muujinaya dagaalyahanno Kolombiyaan ah oo ka soo degaya diyaarad kuna socda xeradooda. Cabdullaahi ayaa xaqiijiyay: In dagaalyahanno Kolombiyaan ah oo tiro badan ay ku suganyihiin Bosaaso kuwaasi oo lagu sheegay in ay ilaliyaan danaha Imraadka ee Bosaso balse ka qeybta qaata dabka ka holcaya Sudan. Calooshood u shaqeysta yaashaan waxay Boosaaso ku yimaadaan duullimaadyo caalami ah maalin kasta, ka dibna waxa ay u gudbaan Suudaan si ay ugu garab dagaallamaan RSF.

Ciidanka PMPF ee garoonka jooga si dhib leh ayey u galaan xeradaas. Cabdullaahi wuxuu sheegay in “ay dhiseen isbitaal cusub oo ay ku daweeyaan askarta RSF ee Suudaan ku dhaawacantay.” Xeradaas ayaa sidoo kale loo adeegsadaa sidii xarun caafimaad oo kumeelgaar ah, ka hor inta dhaawacyada loo qaadin meel kale.

Agagaarka garoonka, Imaaraadku wuxuu rakibay nidaam radar milatari ah oo la rumeysan yahay in lagu farsameeyay Isra’iil, si looga ilaaliyo garoonka weerarro suurtagal ah. Boosaaso waxay qeyb ka tahay silsilad saldhigyo Imaaraadku ka dhisay iyo kuwa uu ballaariyay guud ahaan Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed jasiiradaha Mayun, Cabd al-Kuri, Samhah, dekedda Berbera ee, iyo Mocha oo Yemen ah. Askarta joogta Boosaaso waxay sheegeen in joogitaanka dagaalyahannada Kolombiya uu cabsi ku riday, iyagoo ka baqaya in dowladda Suudaan ay weerarto garoonka.

Kahor dagaalka Suudaan ee billowday Abriil 2023, Suudaan waxay kumannaan arday oo Soomaaliyeed siisay deeqo waxbarasho ardaydaasi waxaa ka mid ah wasiirka difaaca Soomaaliya, Axmed Macallim Fiqi. Askarta PMPF qaarkood waxay sheegeen inay ka xumaadeen ka qeybgalka dad ajnabi ah oo dagaalka ku jira, iyagoo ka cabsi qaba inay si dadban u taageerayaan xasuuq ka dhan ah dal ay walaalo yihiin.

Dowladda Maraykanka iyo ururo xuquuqda aadanaha ayaa sanadkan ku tilmaamay falalka RSF inay yihiin xasuuq iyo dambiyo dagaal. Imaaraadku muddo dheer ayuu taageerayay Muqdisho, isagoo tababarayay ciidan sidoo kalana dhaqaalo ku bixinayay si loola dagaallamo Al-Shabaab. Laakiin xiriirkaas ayaa mugdi galay, maadaama Imaaraadku uu taageero siiyo maamulka Somaliland oo doonaysa inay ka go’do Soomaaliya inteeda kale iyo Puntland oo iyadana khilaaf xoogan kala dheexeyo Dowladda Federalka.

Inkastoo dowladda federaalka ay maamusho hawada Soomaaliya, haddana ma laha awood ay ku maamusho dekedda iyo garoonka Boosaaso. Balse waxaa xusid in howlaha Imaaraadka ee Boosaaso ay khatar weyn ku yihiin Soomaaliya, maadaama ay ku jiidi karaan loollan awoodeed oo caalami ah. Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa loo arkaa saaxiib dhow oo Imaaraadka ku leedahay Soomaaliya, iyadoo taageerada dhaqaale ee ay siiyaan ay kor u qaadday rajadiisa siyaasadeed balse ceebaha dul hoganaya ee la xiriira dagaalka Sudan ayaa rajadiisa god dheer ku riiday tiiyoo ay dheertahay in maamulka uu mar af duubtay markaba siday saanad ciidan oo ay laheyd dowladda Turkiga kaasi oo qaarkiis loo siday Saldhigga Turksom qaarna loo siday ciidanka xoogga dalka.

Sida uu sheegay aqoonyahan Martin Plaut, Imaaraadku wuxuu ku lug leeyahay dagaalka Suudaan si uu u helo dahab iyo inuu ballaariyo saameyntiisa gobolka. Puntland, ayuu yiri, waa goob istaraatiiji ah oo madax-bannaani u dhow, taas oo ka dhigaysa saldhig ku habboon hawlgallada Imaaraadka.

“Puntland waa meel aan si adag loo kormeerin, mana jiro cid su’aal weydiinaysa Imaaraadka waxa uu halkaa ka sameynayo,” ayuu yiri Plaut. Plaut waxa uu intaas ku daray: “Maamulka Puntland waa laga yaabaa inuu noqdo mid ku lug leh arrintan oo uu xitaa wajaho eedeymo mustaqbalka.”

Bishii Luulyo, ku-xigeenka xeer-ilaaliyaha Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah (ICC) Nazhat Shameem Khan ayaa sheegtay in ay jiraan “sabab macquul ah oo lagu rumeysan karo” in dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah bini’aadamnimada laga geysanayo Suudaan.

Xasuuqa ka socda Suudan ayaa waxaa ka qeybqaadanaya Imaaraadka oo halkaasi dano dhaqaalo ka leh, sidoo kale saciid Dani oo ay adeegsaneyso Imaaraadka ayaa ummadda Soomaaliyeed ku jiiday ceeb iyo godob aanan mudneen in laga galo dal sida Sudan oo kale ah.

W/Q: Abdikadir Mohamed Hassan

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *