Dunida maanta waxa ay ku tartameysaa waxa soosaarka hubka iyo Tiknoolajiyadda dagaalka sida ay ugu tartmi jirtay hormada kale, inta badan dalalka Islaamka ayaa gaabis xoogan ka heysatay dhanka wax soosaarka difaaca iyadoo dalalka Islaamka ay dhamaantood ku tiirsanayeen wax soosaarka galbeedka ama kuwa shiinaha iyo Ruusha taasoo raagaadisay saameyn xoogana ku yeelatay saameynta dalalka Islaamka. Hadaba dalka Turkiga ayaa sanadihii ugu dambeeyay waxa uu xoogga saaray in sara u qaado warshadahiisa difaaca isagoo noqday suuq caalami ah oo soosaara agabka difaaca taasoo Turiga dhaxalsiisay in uu noqdo awood xoogan oo looga dambeeyo arrimaha bariga dhexe isagoo hadana u hanqaltaagaya in uu noqdo mid lagala tashto arrimaha Islaamka. Tan imaanshiiyihii Xisbiga AKP ee uu hogaamiyo Erdogan dalkan isku xira Yurub iyo Aasiya ayaa noqday abood balaaran oo aan indhaha laga qarsan gaar ahaan dhanka difaaca iyo diblumaasiyadda.

Qodabadaan iyo kuwo kale ayaan ku falaqeyn doonaa warbixintaa haddii aad nagu cusubtahay nagu soo biir si aad u hesho warbixinno xiiso badan haddii aad horay saaxib noola aheydna la wadaag muuqaalka saaxibadaada Mahadsanid

Turkiga waxa uu si degdeg ah u kobcinayaa qaybtiisa tignoolajiyada milatariga, isagoo isku daraya warshado difaac oo gudaha ah oo sii ballaaranaya, dhoofin hub oo xooggan, iyo iskaashi istaraatiiji ah oo caalami ah. Falanqayntu iyo dadka falaqeya arrimaha difaaca istiraatiiiyadda waxa ay muujinayaan in dowladdaTürkiga ay ka guurtay ku tiirsanaanta sare ee ay ku qabtay alaab-qeybiyeyaasha shisheeye una tallaabatay dhinaca madax-bannaanida farsamada iyo awoodda dhoofinta. Qorshahan cusub waxa uu ka tarjumayaa maalgelinta ballaaran ee shirkadda Aselsan oo bishii Agoosto 2025 ku dhawaaqday in ay dhisayso xarunta “Ogulbey Technology Base” oo ku kacaysa 1.5 bilyan oo doolar taas oo laba jibbaaraysa wax-soo-saarkeeda, isla markaana noqoneysa xarunta ugu weyn Yurub ee nidaamyada difaaca cirka.

Qayb muhiim ah oo istaraatiijiyadda Türkiga ka mid ah waa horumarinta nidaamyada gantaalaha casriga ah. Tusaale ahaan, nidaamka gantaalka “Tayfun” oo ay soo saartay Roketsan ayaa tijaabo guul leh laga sameeyay dabayaaqadii Jullay ee sanadkaan 2025 iyada oo nooca “Block-4” lagu arkay in uu leeyahay masaafo dheeraysa iyo saxnaan lagu bartilmaameedsado badaha isla markana dhalin kara qaraxa balaaran iyo bur-burin sare oo u dhaw tan Nukleerka. Isla mar ahaantaana, Türkiga waxa uu horumariyaa nidaamka difaaca cirka ee gudaha lagu farsameeyay ee loo yaqaan “Steel Dome” oo isku dara raadaarro, gantaallo, iyo nidaamyo talis oo badda iyo dhulka ka hawlgala, taas oo yareynaysa ku tiirsanaanta tiknoolajiyada shisheeye.

Dhanka ciidamada dhulka, warshadda difaaca ee FNSS waxa ay waddaa horumarinta gaariga dagaalka ee jiilka cusub “PARS ALPHA 8×8”. Gaarigan waxa loo diyaariyay dagaallada casriga ah isagoo oo lagu soo kordhiyay nidaamyo casri ah oo ku shaqeeya Garaadka Macmalka ah kuna qalabeysan nidaamyo difaac oo ka dhan ah gantaalaha, duqeynta drones-ka iyo dagaalka korantada, iyadoo la xaqiijiyay in uu si fudud ula jaanqaadi karo nidaamyada xiriirka iyo xog isku gudbinta ee mustaqbalka.

Isla markaana, dowaladda Türkiga waxa ay si weyn u kordhisay dadaallada dhoofinta hubka. Wax soo saarkeeda waxa hadda ka mid ah diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, gantaallo hagitaan leh, gaadiidka gaashaaman, iyo nidaamyo horumarsan oo markii hore kaliya gudaha loo isticmaali jiray. Himilada qaranka ee dhinaca difaaca ayaa ah in Türkiga uu noqodo dal wax soo saara oo tignoolajiyad u dhoofiya dalalka kale, taas oo sare u qaadaysa miisaankiinsa istaraatiiji ee ku dhex leeyahay NATO iyo gobolka oo dhan taasi oo si cadba banaanka u timad markii uu mareykanka ka baxay garabka Yurub, markaas oo la arkayay Yurub oo soo dhawaansho iyo dabacsanaan u muujineysa Turkiga ilaa uu Wasiirka Difaaca UK uu yimid Ankara sidoo kalana Hogaamiyaha NATO uu ugu baaqay Yurub in ay soo dhaweystaan Turkiga maadama uu heysto Ciidan badan iyo warshado difaac oo si xoogan wax u soosaaro. Dhanka kale Ra’iisul Wasaaraha UK, Keir Starmer, ayaa Isniintii booqday Warshadda Turkish Aerospace Industries (TUSAS) waxaana uu helay warbixin ku saabsan diyaaradda dagaalka KAAN ee Turkiga sameeyay taasoo ah mid jiilka shanaad ah sidoo kalana ka jaban qiimo ahaan kuwo reer galbeed. Starmer ayaa booqashadiisa TUSAS waxaa ku wehliyey Wasiirka Difaaca Turkiga, Yasar Güler, sida ay sheegtay Wasaaradda Difaaca ee Turkiga, sidoo kale Wasiirka Difaaca UK, John Healy, Taliyaha Ciidanka Cirka ee Boqortooyada, Marshal Sir Harv Smyth, iyo Taliyaha Ciidanka Cirka ee Turkiga, General Ziya Cemal Kadioglu. Starmer waxa uu sidoo kale kormeeray diyaaradda Eurofighter Typhoon oo loo soo diray Turkiga ka dib heshiiskii dhexmaray dalalkaasi.

Arinkaan ayaa muujineysa sida uu Turkiga muhiim ugu yahay amniga Yurub.  Si kastaba ha ahaatee, caqabado ayaa weli jira. Inkasta oo guulo muuqda la gaaray, haddana qaybaha qaarkood ee difaaca ayaa wali ku tiirsan tignoolajiyada shisheeye sida matoorada diyaaradaha dagaalka, qalabka avionics-ka heerka sare ah iyo matoorada qaar ee gaadiidka culus. Sidoo kale cadaadisyada siyaasadeed iyo cunaqabatooyinka caalamiga ah ayaa weli khatar ku ah silsiladaha sahayda iyo suuqyada dhoofinta, gaar ahaan marka la eego khilaafaadka gobolka.

Horumarka ballaaran ee tignoolajiyada difaaca ayaa suurto gelinaya in Turkiga uu kor u qaaddo awooddiisa uu ku leedahay gobolka, uuna ballaariyo saamayntiisaa siyaasadeed, isagoo goor horaba kala wareegay dalalka Carabta Galka Qasa iyo Filistiiniyiinta taasoo Carabta iyo Isra’iilba ku noqotay filan waa kuna dhaqaaqay in ay iska kaashadan joojinta is balaarinta Turkiga ee Bariga dhexe iyo arrimaha filistiiniyiinta heer uu agaasimaha sirdoonka Masar Xasan Rashaad uu booqday Tal aviv halkaasi oo uu kulan ku saabsan sidii ciidamo Turki ah aan loo keeni laheyn Qasa uu kula qaatay Netanyahu. Dhanka kale Erdogan oo suuq uu raadinaya warshadihiisa difaaca ay safar ku maray badi dalalka Khaliijka. Horumarkan ayaa sidoo kale wax ka beddelayaa dheellitirka awoodaha ee Bariga Dhexe, Badda Mediterranean-ka bari, iyo Badda Aegean, halkaas oo murano dhul iyo hawada ahi ay ka jiraan.

Gobolka Bariga Dhexe, saameynta Turkiga ee ka dhalatay horumarkaas milatari waa mid muuqata. Qiyaastii saddex meelood meel dhoofinta hubka Turkiga ayaa loo diraa dalalka gobolka MENA. Waxaa ka mid ah dalalka ay xiriirka istaraatiijiga ah kala dhaxeeyo Qatar halkaasi oo ay ciidamo ka joogaan Turkiga, sidoo kale Sacuudiga ayaa heshiis is afgarad ah oo ku helayo 100 diyaaradood oo nuuca jiilka shanaad ee KAAN ah la galay Turkiga sidoo kale, Kuweyt iyo Imaaraadka Carabta ayaa iyagana ku jira kuwaas oo iibsada diyaaradaha drones-ka iyo gaadiidka dagaalka. Iskaashigan hubka kuma eka iibsi oo keliya ee waxa uu ku fidaa hal-abuur iyo wax-soo-saar wadaag, taas oo siinaysa Turkiga saameyn siyaasadeed oo xoogan iyo in aanan laga maarmi Karin wax soosaarkiisa

Dowaladda Turkiga waxa kale oo ay tignoolajiyadeeda milatari lagu adeegsadaa goobaha khilaafaadka si ay u kordhiso saamaynteeda, sidoo kale in ciidamada Turkiga ay dhowrkii sane ee la soo dhaafay ay ku lugyeesheen dagaalo ka socdo dalal kale sida ku lug lahaanshaha Suuriya halkaasi oo ciidamada Turkiga ay gudaha u galeen dalka Suuriya iyada oo ujeedu tahay ilaalinta danaha amniga iyo ka hortegidda saamaynta tartamayaasha gobolka. Dhanka badda, Turkiga waxa uu qaatay aragti istaraatiiji ah oo loo yaqaan “Mavi Vatan” ama Bad-deexeedkii Bulugga ahaa taas oo ku saabsan ilaalinta iyo ballaarinta danaha badda ee dalka iyadoo la adeegsanayo maraakiib iyo difaac cirka oo aad u casri ah.

Diblomaasiyadda iyo difaaca ee Turkiga ayaa hadda noqotay aalad awood kororsi. Turkiga waxa uu dalalka gobolka u soo bandhigaa hub casri ah oo qiimo jaban, isla markaana aan lagu xirin shuruudo siyaasadeed oo adag sida kuwa reer Galbeedka. Tani waxa ay keentay in Turkiga uu kasoo muuqdo tartanka uu la galay Israel iyo India ee hub gaarsiinta Boqortooyooyinka Carabta halkaasi oo hadda uu hogaanka u haayo Turkiga. Waxaa intaas dheer in Turkiga uu safaaradaha caalamka u diro wakiillo gaar ah oo u xilsaaran warshadaha difaaca si ay u ballaariyaan suuqyada hubka iyo iskaashiga ciidan.

Guud ahaan qaybta tignoolajiyada milatari ee Turkiga waxa ay gaartay heer ay si buuxda u dabooli karto baahiyaha ciidamada dalka, isla markaana ay si xooggan ugu tartanto suuqyada caalamka. Awooddan milatari waxa ay noqotay laf dhabarta siyaasaddeeda dibadda, gaar ahaan Bariga Dhexe, halkaas oo Turkiga uu isu muujinayo in uu yahay quwad amni oo isku filan oo adeeg siin karta dalalka kale. Si kastaba ha ahaatee, waddakan wada kooriimada dagdag  ahi waxaa horyaalo khataro u baahan in si xeel dheer loo maareeyo, sida tartanka quwadaha kale, cunaqabatooyinka suurto galka ah, iyo ilaalinta guulaha tignoolajiyadeed ee la gaaray.

W/Q: Abdikadir HASSAN

By admin

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *